Imaaraadka Oo Gaadiid Ugu Deeqay Sheekh Shariif

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in todobaadkaan Gaadiid kuwa aan xabadu Karin laga dajiyey marsada magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kuwaasoo laga keenay dalka Imaaraatka Carabta, lana doonayo in loo gudbiyo magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah ah…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Gaadiidkaan oo noocyadoodu lagu kala sheegay Gaari aan xabadu Karin oo ah kuwa Madaxda (V8) iyo Hilux dusha ka furan, lagana keenay dalka Imaaraatka Carabta, iyadoo ay wakiil ka ahaayeen xubno kasoo jeeda dhanka Puntland.

Gaadiidkaan ayaa la xaqiijiyay in loogu deeqay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, waxaana la rumeysan yahay iney bixisay Dowladda UAE, iyadoo la sheegay in Diyaarad ay ka dejisay magaalada Boosaaso, waxaana lagu wadaa in Diyaarad kuwa xamuulka ka soo qaado Gaadiidkaan magaalada Boosaaso, 2da maalmood ee fooda nagu soo haysa, iyadoo laga soo dajin doono magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in tiro Gaadiidka aan xabada karin Ee la geeyay Magaalooyinka Garoowe iyo Dhuusa mareeb dib loogu soo celiyo Magaalada Mogadishu, kadib markii gaadiidkaasi u isticmaalyay safaradii uu ku tagay labada magaalo, lama yaqaano sababta, balse dhaqaale badan ayaa lagu bixinayaa Howlgalada dib u soo celinta Gaadiidka xilli ay dhaqaale la’aan xoogan ay wajaheyso Dowladda Federaalka.

117480cookie-checkImaaraadka Oo Gaadiid Ugu Deeqay Sheekh Shariif