Dadaalo Ay Wadeen Ganacsato Oo Fashil Ku Dhamaaday

Somalia news

Waxaa fashil ku Soo dhamaaday ergo ka socota Ganacsatada Qaadka Kenya kuwaasoo doonayay in Dowlada Federaalka ay xayiraada ka qaado Qaadka, waxeyna Kulamo kala duwan la yeesheen Xubno ka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaano, iyadoo ujeedadoodu aheyd sidii xayiraada looga qaaday lahaa Qaadka….

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation, Waxaa Fashilmay isku dayo ay Ganacsato Somali iyo Kenya ah oo ay ku doonaayeen iney Dowlada Federaalka kaga dhaadhiciyaan sidii xayiraada looga qaadi lahaa Qaadka Miraaga Kenya, iyadoo Dib Loo bilaabay duulimaayada Caalamiga ah ee Somalia 3-dii bishaan.

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Mr.Farmaajo uu bixiyay amarka lagu joojiyay Qaadka, kadib markii Dowlada Kenya ay dhinaceeda ka diiday iney furto duulimaadyada ka imaanaya Somalia iyo Badeecadaha sida (Bariiska,Sokorow iyo Kaluunka) ka soo talaabaya xuduudaha Dalkeena.

53430cookie-checkDadaalo Ay Wadeen Ganacsato Oo Fashil Ku Dhamaaday