Farmaajo Oo Ergo Saraakiil Ciidamo ah u Dirsaday Magaalada Beledweyne

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa Ergo Saraakiil Ciidamo ah oo Saakay ka degay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa iney kulamo la qaataan Saraakiisha Xoogaga Mucaaradka oo ka itaal roonaaday kuwa Dowladda Federaalka iyo Hir-Shabelle..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajaha Fashilmay uu ina adeerkiis ergo ahaan ugu dirsaday (Maxamed Tahliil Biixi) uuna ku wehliyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Tawane Axmed Gurey, waxaana garoonka diyaaradaha B/weyne ku soo dhoweeyay Madaxa Ciidamada Dowladda ee Gobolka iyo Gudoomiyaha Gobolka.

Ujeedada Safarkaan ee Ergada Saraakiishaan ayaa la sheegay iney la xiriirto sidii xal loogu heli lahaa Khilaafyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mucaaradka oo dhowr isku dhacay, iyadoo xogtu sheegtay in sidoo ay qorsheynayaan iney si qarsoodi ah ula kulmaan Horjoogayaasha kooxaha Hubeysan ee Mucaaradka heshiis hoose loola Gaari lahaa, isla markaasna ay u fududaato in 25-Kursi ee Gobolka loo qoondeeyay loo boobi lahaa.

162840cookie-checkFarmaajo Oo Ergo Saraakiil Ciidamo ah u Dirsaday Magaalada Beledweyne