PUTIN OO KALA HADLAY MIDOWGA AFRICA SAAMAYNTA DAGAALKA UKRAINE EE AFRIKA 

Africa News World

Madaxweynaha dalka Senegal Mr.Macky Sall oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sannadkan oo kula kulmay Madaxweyne Vladimir Putin magaalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa sidoo kale kala hadlay dagaalka Ukraine iyo saamaynta uu ku leeyahay 1.3 bilyan oo qof oo Afrikan ah…

Dagaalka Ukraine ka hor, waxay dalalka Afrika ay sannadkiiba ka soo dhoofsan jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine, 30 milyan oo tan oo sarreen, hadhuudh iyo gallay ah, hase ahaatee dagaalka ayaa yareeyey dhoofintii waxsoosaarka beeraha ee Ukraine iyo Ruushka, iyo weliba qiimaha shidaalka oo isna cirka isku shareeray.

Shirkii Jimcihii, ayaa madaxweyne Macky Sall, wuxuu ku boorriyay Madaxweyne Putin inuu il gaar ah ku eego, in waddamada Afrika ay ” dhibanayaal” u noqdeen colaadda Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Faransiiska. Waxa uu sheegay in sahayda cunnadu ay noqoto mid aanay saamayn ku yeelan cuna-qabataynta ay wadamada reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka.

192740cookie-checkPUTIN OO KALA HADLAY MIDOWGA AFRICA SAAMAYNTA DAGAALKA UKRAINE EE AFRIKA 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com