Musuqa Xaro Goostay Ee Wasaarada Arrimaha Dibada

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya Musuqmaasuqa xargo goostay Oo Sii-hahaha Wasiirka Arrimaha Dibada Mr.Axmed Ciise Cawad ayaa in ka badan 30 Dhalinyaro ah oo isugu jira gabdho & wiilal oo beeshiisa ah u magacabay Xoghayayaal 1-aad iyo La-taliyayaal iney ka noqdaan Safaradaha Somalia ee ku leedahay caalamka kadib markii ay dhacday xukuumadii uu katirsanaa maadama ay waayeen kalsoonida golaha shacabka….

Mr.Cawad ayaa Magacaabay 8-xubnood Oo darajaduudu tahay Xoghaye 1aad iyo La-taliyayaal Sadaaradaha kala duwan ee Somalia, waxaana ka mid ah Suheyr Cabdiraxmaan Maxamuud Oo Loo Magacaabay Xoghayaha 1-aad ee Safaarada Somalia ee Canada, halka Cabdullahi Yuusuf Cali isna Loo magacaabay Xoghayaha 1-aad ee Safaarada Somalia ee Switzerland, labadaan shaqsi ayaa qaraabo hoose la ah Wasiir Cawad.

Aqoonyahannada Siyaasada odorosa ayaa ku qeexay habdhaqanka Sii-hahaha Wasiirka Arrimaha dibada Somalia  mid ka baxsan anshaxa diblomaasiyada & maamulka dowladiga isla markaasna uu ku muteysan karo baaris dheer in lagu sameeyo xafiiska uu maamulayay.

Sido kale waxaa jiro eedo loo jeedinayo Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada, Ganacsiga, Sportiga, Warfaafinta, Qorsheynta & Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada XFS iney ka jirto boob hantida Qaranka & kutagri falka awooda Xafiisyada si sharciga ka baxsan.

53390cookie-checkMusuqa Xaro Goostay Ee Wasaarada Arrimaha Dibada