Dugsiyo Waxbarasho Oo Waqooyiga Gaalkacyo Laga Xiray

Somalia news

Xoogaga amaanka Ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa albaabada u laabtay afar Dugsi Waxbarasho oo ku yaal Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaasoo lagu eedeeyay inay xad-gudub ku sameeyeen nidaamka Waxbarashada Ee degmada….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dugsiyadaan la xiray, ayaa lagu kala magacaabaa National School, Cabdullaahi Yusuf School, Hormuud School iyo Waaberi School, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Mudug ee Puntland Axmed Huruuse Xaashi.

Guddoomiye Huruuse, wuxuu sheegay in afarta iskuul albaabada loo laabay kadib markii ay sameeyeen fowdo ka baxsan Nnidaamka Waxbarashada Puntland maadaama aysan wax sharciyad ah ka haysan wasaaradda.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in xabsiga la dhigay maamulayaashii ka hawlgalayey Iskuuladaas iyo hal macallin, kuwaasoo sida uu xusay in Cadaalada la hor geyn doono.

58450cookie-checkDugsiyo Waxbarasho Oo Waqooyiga Gaalkacyo Laga Xiray