Khataraha Horseedi kara marka Aad Shuraako Ganacsi noqdaan Cadaw-Siyaasadeed oo soo Jireen…

Africa News Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay Waxaa soo shaac baxaayay Hadalo khatarteed xambaarsan ee ka soo Baxaayay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, kaasoo si cad u sheegay in Dalkiisu uu Deked uu maamusho u baahan yahay si loo daboola Baahida 120-Millions oo Ethiopian ah…

Ethiopia waa dalka 2-aad ee ugu Dadka badan Qaarada Afrika marka laga soo tago Nigeria, waana mid ka mid ah Dalalka ugu kobaca dhaqaalaha badan gobolka, iyadoo lagu qiyaasay 6.4% kobac sanadahii 2021/22, Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale weli tahay mid ka mid ah kuwa ugu saboolsan, iyadoo isku cel-celiska qofkiiba dakhliga guud ee Qaranka uu yahay $1,020.

Sanadahii ugu Dambeeyay Dalkaan ayaa galay Dagaal sokeeye oo lagu riiqmay, iyadoo haatan uu dagaal aan la shaacin uu dhex maraayo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Qoomiyada Amxaarada kaasoo dhaliyay Khasaare ka baalaran kii dhex maray Ciidamada iyo Xoogaga Tigreega, halka Diinta Islaamku waa tan 2-aad ee ugu badan Dadka Aaminsan marka laga soo tago diinta Orthodox-ka Kiristaanka, iyada oo 31.3 ilaa 35.9 boqolkiiba wadarta guud ee dadweynaha ku dhow 113.5 milyan oo qof ay haystaan diinta Islamka.

Baahida Dekadeed Oo ku Qasbeysa iney Dadkeeda Quudiso

Baahida Dekadeed Damaca xoog wax ku raadinta ee Ethiopia waa mid soo jireen ee dhinaca xeebaha, waxeyna qabsatay maskaxda Madaxda Sare ee Dalka tan iyo waayihii hore qorshayaal xeeb qabasasho inkastoo uusan fulin, Sababta oo ah Dalka ayaa bad la’aan ah, Tanina waxay wiiqaysaa awoodda Ethiopia si ay u kobciso dhaqaalaheeda, una horumariso Ciidamadeeda (Ciidanka Badda) oo xarun cusub uga dhiseyso magaalada Bishoftu ee Gobolka Oromada iyo inay saameyn ku yeelato guud ahaan Geeska Afrika.

Haddii ay Ethiopia door bido hab xoog iyo cabsi gelin ku wajahdo, tani waxay sii xoojineysaa shakigii laga qabay ee iney ku dhiseyso Ciidamo Badeed, Dalalka Gobolku oo ay ku jirto Ethiopia ayaa hadda la dagaallamaya colaado noocyo kala duwan oo gudaha ah, kuwaasoo ay suuragal tahay iney ku faafto.

Hadaba, Somalia maxaa kala gudboon iney gaashamato Khatartaan iyo hadalada Siyaasiyiinta Ethiopia ee Deked raadinta iyo Baaqyada ah iney Dalalka Eritrea, Djibouti & Somalia, ay Midoobaan si ay Dekad ugu hesho Ciidamadeeda Badda, iyadoo Maanka lagu hayo Siyaasiyiinta Xiligaan oo u nugul iney dhageystaan ama u oggolaadaan in Dekeda si fudud ugu saxiixaan Dekadaha la hadal hayo ee Baraawe, Hobyo, Garacad, Kismaayo, Berbera iyo Seylac.

282190cookie-checkKhataraha Horseedi kara marka Aad Shuraako Ganacsi noqdaan Cadaw-Siyaasadeed oo soo Jireen…