Maxaa Sababaaya Dib u Dhacyada Doorashada Dalka

Somalia news

Waayahaan dambe Waxaa soo kordhaaya walaaca laga qabo dib u dhacyada hareeyay Doorashada Dalka, iyadoo heshiiskii la gaaray ay ka soo wareegatay 6-bilood welina aan la dhameystirin Senatorada Aqalka Sare halka 2-Xildhibaan oo midi muran ku jiro la doortay..

Sababta Dib u Dhacyada:-

Macluumaad ayaa tilmaamaya in Madaxda Maamulada Gobolada oo ka shidaal qaadanaya Villa Somalia ay yihiin kuwa ka caga jiidaaya iney qabtaan Doorashada, iyagoo la sheegay iney ku sababeeyeen Dib u dhacyadooda qodobada hoose ku xusan:-

-Dhaqaalaha:- Madaxda Maamulada ayaa xiligaan heysa baahi dhaqaale oo aad u balaaran, iyadoo Dowladda Federaalka ay ka jartay taageeradii dhaqaale, waxeyna Shuruudo ku xireen iney Wakiilada Beesha Caalamka bixiyaan Dhaqaalihii ay balanqaadeen.

Ololaha Doorashada:-sababta 2-aad ayaa lagu fasiray in Ololaha Doorashada ee lagu kala jiidanaayo Maamulada Gobolada iyo Faragelinta Maamulada qaarkood kala kulmay aan Villa Somalia.

Farsamo xumo Waayo aragnimo La’aan:- Hogaanka Doorashada uu hormuudka u yahay Mr.Rooble ayaa la sheegay in Khaladaad badan ay galayaan, isla markaasna ay horseeday in Farsamo xumo kala kulmaan Natiijada yar, sidoo kale waxaa la sheegay in Musharixiinta Doorashada iyo Kooxda Farmaajo ay fara gelin ku Hayaan shaqooyinka Doorashada.

Arrimahaan is biirsaday ayaa la sheegay in horseedayaan in aan dan badan laga gelin dedejinta Doorashada taasoo horseeday in Wakiilada Beesha Caalamka ay wakhti cayimin u qabtaan, iyadoo laga hortagaayo Xaalada Kala guurka ah Ee Dalka uu xiligaan ku jiro.

149710cookie-checkMaxaa Sababaaya Dib u Dhacyada Doorashada Dalka