Dadweyne Loo Diiday Iney Garoonka Garoowe Galaan

Somalia news

Warar is Khilaafsan ayaa laga helayaa Safar uu Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ku tegi lahaa Magaalada Garoowe Ee Xarunta Puntland, iyadoo qaar ka mid ah dadkii soo dhoweyn lahaa iyo gadiidkiiba lagu ceshay afaafka hore ee garoonka….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ee garoonka ayaa waxay gaadiidkii soo dhoweyn lahaa wasiirka ka fiiqeen sawiradii iyo boorarkii kale ee muujinayey soo dhoweynta wasiirka cusub oo socdaalkiisii ugu horreeyey ku imaanaya magaalada Garoowe.

Tallaabadaan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dhowaan Maamulka Puntland ay garoonka diyaaradaha Garoowe ka joojiyeen soo dhoweynaha iyo in dadku garoonka gudaha u galaan iyo sidoo kale in gaari sawiro ku xardhan yihiin aysan gali Karin garoonka.

78040cookie-checkDadweyne Loo Diiday Iney Garoonka Garoowe Galaan