Shababka Oo La Wareegay Degaano

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka ayaa oo shalay la wareegtay degaanka Milxo, oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, islamarkaana u dhexeeya Durduri iyo Laasqoray….

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegay in Dabley taageersan Kooxda Shababka ay subaxnimadii hore ee shalay weerar culus ku qaadeen degaanka, waxaana halkaasi ka dhacay is-rasaaseyn kooban oo dhexmaray kooxda iyo Dadka degaanka sida ay xaqiijinayaan ilo’ dhanka Amniga ah.

Wararku waxay intaas ku darayan, in kooxdu ay afduubteen Guddoomiyihii Tuulada Milxo Maxamed Jaamac Aar (Bulbul) iyo xubno kale, inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin.

Isgaarsiinta degaanka ayaa go’an, waxaana adag in warar sugan laga helo khasaaraha ka dhashay weerarka Al-shabaab ku qaadday tuuladaas Milxo, Weerarka ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii Kooxda Shababka ay darsin hubka fudud ah kala soo dageen xeebta Durduri ku dhow degaankaas Milxo.

78080cookie-checkShababka Oo La Wareegay Degaano