Sirdoonada Ciidamada Bariga Africa Oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi

Africa News Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan ay Madaxda Xafiisyada Sirdoonka Ciidamada ee Bariga Afrika ay ku yeesheen Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, kaasoo ay kaga wada-tashanayeen Amaanka Gobolka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisadda iyo qodobo kale…

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galeen Dalalka Ethiopia, Djibouti, Sudan, South Sudan, Somalia, Tanzania iyo Uganda ayaa waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ka yeesho xiriiro joogto ah, macluumaaf isu gudbinta, feejignaanta joogtada ah iyo dadaalada wadajirka ah ee wadamada Gobolka si loola dagaalamo caqabadaha amniga.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay Axaddii soo saartay wasaaradda Difaaca Ethiopia, Xafiisyada Sirdoonada Ciidamada waxay saxeexeen heshiis is-afgarad ah oo si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada iyo ka hortagga xoogagga nabad-diidka ah ee khatarta ku ah nabadda iyo Amaanka Gobolka.

Dhanka kale, Xafiisyada Sirdoonada Ciidamada ayaa isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo amniga xuduudaha, amniga internetka, baraha bulshada, ilaalinta deegaanka iyo shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo kuwo kale si loo abuuro “Afrika nabad iyo amni ah.

183550cookie-checkSirdoonada Ciidamada Bariga Africa Oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi