Dagaal Beeleed Ka Soo Cusboonaaday Degaanka Balanbale

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo ayaa dib uga qarxay tuulooyin hoos taga degaanka Balanbale oo ka tirsan Gobolka Galguduud (Galmudug), dagaalkaan ayaa la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho & Dhaawac..

Wararka ayaa sheegay inuu dagaalkaan ka dhacay tuulada Kaxandhaale isla markaasna uu socday muddo saacado ah, iyadoo la iska adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 6-qof halka 15-kale ay soo gaareen dhaawacyo kala heer ah.

Dagaal-beeleedkaan ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo Beelaha Ayaanle Ceyr iyo Mareexaan, iyadoo uu salka ku hayo dilal horey u dhacay iyo aanooyin ay labada beel kala tirsanayaan, waxaana la sheegay in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu saameyn iyo abaabul ku leeyahay Dirirtaan, Maamulka Qorqor ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay inuu xakameeyo dagaal beeleedyada Ka dhaca Degaanadaasi.

155330cookie-checkDagaal Beeleed Ka Soo Cusboonaaday Degaanka Balanbale