Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Fara-gelinta Maamulada Qaarkood

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Qorshayaal guracan oo Villa Somalia iyo Hogaanka NISA ay u maleygayaan Maamulada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ku martiqaaday Magaalada Mogadishu Qaar ka mid qeybaha kala duwan Odayaasha Dhaqanka, Waxgarad iyo Dhalinyaro…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news, in maamulka Farmaaho uu diyaariyay qorshshe Dhalinyaro (Shabab 2-aad) Soomaalyeed loogu adeegsanaayo in lagu burburiyo Mamulakada qaarkood oo aragatii ahaan ka soo horjoogaan, wuxuuna Magaalada Muqdisho lagu martiqaaday 2-Hogaamiye Dhaqmeed, 2-3 Ganacsato iyo Tiro aan la shaacin Oo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Cali Saleebaan ee Degaanada Gobolka Bari degta.

Xubnahaan ayaa la dejiyay Hoteelka Decale ee Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxeyna kulamo qarsoodi ah la yeesheen Mr.Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yasin, iyagoo lagu wargeliyay iney degaansho darro ka bilaabaan Magaalada Boosaaso iyo Degaanada ku xeeran waxaana loo balanqaaday in Dhaqaalaha Ku baxaaya Kacdoonkaasi ay bixin doonaan NISA.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Villa Somalia iyo NISA ay howl geliyeen Kooxo Dhalinyaro oo ku kala nool Magaalooyinka Kismaayo,Boosaaso iyo Garoowe, si ay dacaayado iyo warar been abuur ah ugu baahiyaan baraha Bulshada ee Degaanada Maamulada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, waxeyna bilaabeen iney Codad ka duubaan Dadka caadiga ah ee ku nool Bariga fog ee Puntland, kuwaasoo aan wax badan kala socon Arrimaha siyaasada.

85340cookie-checkVilla Somalia Oo Lagu Eedeeyay Fara-gelinta Maamulada Qaarkood