Muranka Soohdimeynta Degmooyinka Puntland Oo Go’aan hoose Laga Gaaray

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland uu go’aan hoose ka gaaray muranka ka taagan soohdimaynta degmooyinka inkastoo uu murankaan ka sii daray sida ay sheegeen ilo wareedyo…

Wararka ayaa sheegay in Guddiga TPEC uu go’aamiyay in Beelaha ka caraysan soohdimaynta muranka dhalisay ee degmooyinka reer kasta lagu qoro degmadii uu rabo inuu raaco sida ay xaqiijinayso xogtan, Guddiga ayaa sidoo kale isla gartay in sida ugu dhakhsaha badan loo shaaciyo seejooyinka cod-bixinta degmooyinka oo saaka loo baajiyay muranka taagan.

Tallaabadan cusub ee ah in reer kasta meeshii uu sheegto loo qoro ayaa abuur karta khilaaf horleh maadaama degaannada qaarkood ay ka jiraan khilaafaad dhuleed, oo dib u soo nooleyn kara Dagaal beeleed iyo fidno ka dhalata dhul balaarsi.

Dadka degaanka ayaa aaminsan in Deni & Juxa ay khatar ku yihiin amaanka iyo wada noolasha Bulshada Puntland, iyadoo Xeerar lifaaq ah oo Baarlamaanka ansixiyay ayeey ku tilmaameen kuwo aan aan sharci ku fadhin, waxaana ka muuqda dadaaladooda deg degsiimo iyo la-tashi la’aan horseedi karta colaad cusub.

https://fb.watch/gMa9oT6RfI/

224870cookie-checkMuranka Soohdimeynta Degmooyinka Puntland Oo Go’aan hoose Laga Gaaray
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com