Mucaaradka Oo Lagu Eedeeyay iney Ka Gaabiyeen Eedeynta Turkiga & Qatar

Somalia news

Iyadoo uu xiligaan Dalka ku jiro xaalad kala guur ah, ayaa waxaa lagu eedeeyay Kooxda la magac baxday Midowga Musharixiinta iney ka gaabiyeen kana hadli waayeen hubeynta iyo Dhaqaale Ku taageerida ay wadaan Dalalka Turkiga iyo Qatar Maamulka Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo Fashilmay…

Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa Qalalaasaha Siyaasada iyo Amniga Somalia, iyadoo Hub sharci darro ah Dalka si qarsoodi ah u soo geliya, waxeyna faraha kula jiraan Arrimaha gudaha Dalka, iyagoo si cad ula saftay Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

Xubno ka mid ah kooxaha Mucaaradka ayaa farta lagu goday kuwaasoo qaba riyo khiyaali ah iney yihiin Plan B, ayaan darrese iyaga ayaa is-khiyaaneynaaya, waana kuwo horey ugu soo Fashilmay saaxada siyaasada isla markaasna ay Mas’uul ka yihiin iney Dalka u soo saareen shaqsiyaad ay ku yar tahay Muwaadinimada adeegayaalna u ah Dalalka kor ku xusan.

Ururka SPG (Somalia Patriotic Group), ayaa dhowaan qoraal digniino xambaarsan u gudbiyay Wakiilada Dalalka Turkiga iyo Qatar, waxeyna uga digeen iney joojiyaan fara gelinta ay ku hayaan Arrimaha gudaha ee Somalia isla markaasna joojiyaan Hubka iyo Dhaqaalaha lagu caburinaayo Shacbiga Soomaaliyeed, iyadoo lagu wargeliyay in talaabooyin aan la cayimin Laga qaadan doono Danaha Dalalka kor ku xusan Ee Gudaha Somalia.

155290cookie-checkMucaaradka Oo Lagu Eedeeyay iney Ka Gaabiyeen Eedeynta Turkiga & Qatar