Maxaa ka Run ah In Xoogag Hubeysan ay isku Uruursadeen Buurta Gacan Libaax..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaaya in koox Maleeshiyo beeleed ay maalmihii la soo dhaafay ay isku uruursadeen Degaan ku dhow magaalada Hargeysa, Xoogagaan oo aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin karin ayaa sheegay marar ay hadleen iney la baxeen ‘dulmidiid’ ka soo horjeedaan Maamulka Muuse Biixi ee Somaaliland…

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Maleeshiyo beeleedkaan ay ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo gudaha Somaliland oo ay kamid yihiin doorashooyinka, waxaana la sheegay in dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayaa. mid ka mid Beesha dhexe, iyadoo lasheegay iney Wadada kaaffuubteen tiro Howlwadeenada Maamulka Hargeysa.

Maamulka Somaaliland ayaan si rasmi ah marnaba ugaa hadlin Xoogagaan gadoodasan, balse waxaa wararku sheegayaan in ciidamo ay Maamulku u direen meel aan sidaa uga fogeyn buurta ay ku jiraan, Dhanka kale waxaa jira, ergo ka koobaan odayaal dhaqmeed iyo wasiiro oo loo diray in ay la soo xaajoodaan ciidanka, wadahadallo lagu qancinayana la galaan.

268770cookie-checkMaxaa ka Run ah In Xoogag Hubeysan ay isku Uruursadeen Buurta Gacan Libaax..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com