Ma Dhabaa In Dhalinyaro Lagu Dhaqaale Cabsi gelinta Shacbiga

Somalia news

3-sano ee ugu dambeysay Waxaa aad u soo kordhaayay Falalka dilalka,Cabsi gelinta xambaarsan Dhaawacyo culus Oo Loo geysanaayo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka aragti duwan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, iyadoo dhaqaalena lagu bixiyo fulinta Qorshagaasi oo laga soo maleego Villa Somalia…

Xogo Baaris iyo dabagalo ay sameeyeen Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa lagu ogaaday in Maamulka Villa Somalia ay dhiiri geliyaan in Caasimada Muqdisho iyo Gobolada qaarkood laga dhisay Kooxo wax dila iyo Kuwo Dalka dibadiisa ka fuliya falal jirdilo xambaarsan iyo dhaawacyo culus Sida loo xaqiijiyay Diinah.com news.

Ilo wareedyadaan ayaa u sheegay in Mid ka mid ah mucaaradka aad uga warrama gefafka Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in dhallinyaro uu dhaqsale soo siiyay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed ay ku Jirdileen dalka Jarmalka.

https://youtu.be/fKu1aBphmus

Sidoo kale Fanaanada Falis Cabdi oo ka tirsan Kooxda Waayaha Cusub ayaa la sheegay in 5-6 Gabdhood ay weerareen Oo Dhaqaale looga soo diray Madaxtooyada Villa Somalia, ayna jirdilo ugu geystay magaalo ka tirsan Dalka Holland, kadib markii ay Soo qaaday heeso cusub ( Nabar, Naxdin Iyo Dhoohane).

Isku soo wada Duub Dhaqankaan guracan ee Maamulka Fadhiidka ee Farmaajo Waa mid uu ka soo minguuriyay Adeerkiis, waxeyna horseedi doontaa in mar kale uu Dalka cagta saaro in Dalka Dagaalo sokeeye ka dhacaan Oo xaq cusub uu bilaawdo.

44030cookie-checkMa Dhabaa In Dhalinyaro Lagu Dhaqaale Cabsi gelinta Shacbiga