Maleeshiyo Ku aheyn Ah Qorqor Oo Xalay Weerartay Xarunta NISA Cadaado

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn xalay fiidkii Ka Dhacay Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabadsugida Galmudug iyo Maleeshiyaad hubeysan (Jufada Waceys Ee Reer Muuse), kuwaasoo weerar ku qaaday Xarunta NISA Ee Cadaado…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Is-rasaaseyntani ay salka ku haysay, kadib markii ay Xoogaga NISA qabteen Dhowr Nin oo loo shakisan yahay iney ka mid ahaayeen Dableydii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Dad rayid ah oo fadhiyay maqaayad ku taal degaanka Mareergur xili habeen ah geystay a Dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyntani kadib markii ay haleeshay rasaas habow ah sida ay wararku sheegayaan, warar kalena waxey sheegayaan iney Dhimasho (Hal Askari) iyo dhaawac ay jiraan, waxaana la sheegay in Ninka la qabtay loo gudbiyay Dhuusa mareeb, xaalada Magaalada Cadaado ayaa kacsan, Maamulka Galmudug (Qorqor)ee magaalada Cadaado iyo laamaha amaanka ayaan ka hadlin weli dhacdadaani ka dhacay magaalada.

67740cookie-checkMaleeshiyo Ku aheyn Ah Qorqor Oo Xalay Weerartay Xarunta NISA Cadaado