Ma Dhabaa in Muuse Biixi looga Digay inuu Celiyo Markab Shidaal Oo Dekada Taagan..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Maamulka Muuse Biixi looga digay inay dib u celiyaan Markab Xamuul Shidaal sida oo Dekeda Berbera Taagan, kadb markii ay soo shaac baxeen in Markabkaan ay diideen in Rarka laga dejiyo Xubno ku dhow Muuse Biixi…

Wararka ayaa sheegay in Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ee Xisbiga Waddlani Xamse Khayre uu ka digay in Maamulka Somaliland ay dib uceliso markab shidaal sida oo dekada Berbera hada taagan, Wuxuuna intaasi ku raaciyay in Markabkani uu sido shidaal qiimihiisu jaban yahay, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

“Waxaanu soo dhawaynanaa talaabo kasta oo keenaysa in naaftada/shidaalka qiimihiisu jabo Isla markaana meesha ka saaraysa go’aankii hore ee Salfarta lagaga dhigay 500 ppm wax ka hooseeya. Waxaanu qabnaa in mudnaantu tahay nolosha dadka, dalkuna qaadi Karo salfar ilaa 3000 ppm ah.

Markabka taagan Hadda dekeda Berbera ee sita calanka Dalka Togo magaciisuna yahay #CHIRON 7 (IMO 9127291,MMSI 671294100) ayaa shidaalka Jaban ee uu sida degaanka, waxaana laga digay in la celiyo shidaalkaasi, iyadaoo loo danaynayo shirkado ay Madaxtooyadu leedahay oo caadaystay in dhiig miirtaan Shacbiga kuna qaaliyeeyaan shidaalka.

288550cookie-checkMa Dhabaa in Muuse Biixi looga Digay inuu Celiyo Markab Shidaal Oo Dekada Taagan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com