Dagaal Ka Dhacay Magaalada Marka Ee Shabeelada hoose

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Magaalada Marka xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho & dhaawac waxaana uu u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxda argagixisada Shabaab…

Wararka ayaa sheegay in Khasaaraha dagaalka ka dhashay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay dhinaca Kooxda argagixisada Shababka ka dileen 5-xubnood halka ay ka dhaawaceen 10-kale sida uu hadalka u dhigay Sarkaal ka tirsan Ciidamada balse ma sheegin dhankooda waxyeelada ka gaartay dagaalkaas.

Magaalada Marka oo ah xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ammaankeeda gacanta ku haya Ciidamada 14-ka October, saldhigyo waxaa ku leh Askarta Midowga Afrika ee AMISOM Ku howlgalla, dhowr waxaa ka dhacay weeraro & qaraxyo u badan bam gacmeed.

149610cookie-checkDagaal Ka Dhacay Magaalada Marka Ee Shabeelada hoose