Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Ku sii Jeeda Dalka Qatar

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa martiqaad ay Dowlada Qatar u soo dirtay Madaxweynaha Somalia si uu uga qeyb galo furitaanka tartanka Kubada Cagta ee Ciyaaraha Aduunka, kaasoo lagu wado inuu xariga laga jaray 20-Novembar 2022 abaaraha 17,00 xiliga bariga Qaarada Europe…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia oo ku sii jeeda markii 2-aad Dalka Mareykanka, ayaa ka cudurdaartay ka qeyb galka Xaflada Furitaanka, waxaana lagu wadaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka uu ka qeyb gelu doono Xafladaasi.

Dad badan ayaa isweydiinayaa Sababta ay Safarada laga baaqsan karo ugu baxaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Dalkaan Howlo badan oo ay ka yihiin yihiin Abaaraha, Amaan darrida iyo dagaalka kooxda Argagixisada Shababka ay u baahan yihiin in Hogaanka Dalka ay hormuud ka noqdaan.

225700cookie-checkGudoomiyaha Baarlamaanka oo Ku sii Jeeda Dalka Qatar