Maxaa Lagu Maagay Simon Mulongo Kuxigeenka Amisom

Somalia news

Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Dowladda Federaalka ayaa soo saartay Qoraal ay ku amreyso inuu Dalka muddo 7-maalmood uga baxo Madax kuxigeenka Amisom Mr.Simon Mulongo, kadib markii ay ku eedeysay inuu Baal maray Hanaan howleedka Amisom, Waxaana sidoo kale loo digay Saraakiisha kale Ee Amisom…

Qoraalka ayaa lagu sheegay Guddiga AU-da lagu wargeliyay in Mr.Simon Mulongo kuxigeenka uu ku lug yeeshay dhaqdhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka Amisom iyo Strategies Amniga Somalia, waxaana loogu baaqay inuu muddo 7-maalmood Dalka uga baxo.

Inkastoo aysan Wasaarada Arrimaha Dibeda aysan faahfaahin Eedaha lagu soo oogay Sarkaalkaan, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Eryida Sarkaalkaan Uganda ka soo jeeda, lagu go’aamiyay Kulan qarsoodi ay yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia iyo Madaxa ka hortagga Xasaradaha (dagaalada) ee AU Mr.Fred Nogoga oo ka soo jeeda Dalka Burundi.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu ku taliyay in Dalka laga saaro Kuxigeenka Amisom, kadib markii ay xiriiro la sameeyeen Madaxa Amisom Francisco Madeira iyo Madaxa Siyaasada Amisom Taiwo , Shaqsiyaadkaan ayaa lagu Eedeeyay iney gunnooyin joogto ah ka qaataan Villa Somalia, isla markaasna si qarsoodi ah ula shaqeeya warbixinona ka gudbiyay Shaqaalaha iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom.

149640cookie-checkMaxaa Lagu Maagay Simon Mulongo Kuxigeenka Amisom