Shirqoolo Lala Damacsan Yahay Mucaaradka..

Uncategorized

Koox Shirqoolada Khabiir ku Ah Oo Laga Digay…
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maamulka Villa Somalia uu u diray Magaalada Dhuusa mareeb iyo Gaalkacyo kooxo dilaayaal ah, kuwaasoo qandaraas lagu siiyay iney khaarijiyaan Hogaanka Suufiyada, Mas’uuliyiinta Mucaaradka ee ku sugan Dhuusa mareeb iyo Madaxda Ku sugan Magaalada Gaalkacyo.
Xogtaan ayaa u sheegtay Diinah.com iyo Aaraka Diinah Blogs, in Maamulka Farmaajo ay diyaarado ku daabuleen Kooxo dilaayaal ah kuwaasoo loo xil saaray iney khaarijiyaan Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Madaxda Mucaaradka, kooxdani waxaa ka dejiyayay Magaalada Dhuusa mareeb Horjooge Saadiq John oo horey edeysanaa Dembiyo dagaal, gabood falo dhan ka ah Xuquuqda Aadanaha dilal qorsheysan iyo Tacadiyo iyo afduub loo geystay Muwaadin Somaliyeed oo laga afduubtay Magaalada Dhuusa mareeb (Sheekh Cumar Mahad Alle), lagana soo dejiyay Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaayeen Talaabadaan ayaa soo shaac baxday, iyadoo Loolanka doorshada ee Maamulka Galmudug uu gaaray meeshii ugu sareysay, Galmudug ayaa haatan leh 3- Baarlamaan, 3-Hogaan oo kala duwan, taasoo ah Arin aad looga digaayay mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana xaalada ka sii daray markii Kooxdaan laga dejiyay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa mareeb.

14070cookie-checkShirqoolo Lala Damacsan Yahay Mucaaradka..