Ma Dhabaa in Diyaarado Helicobters ah lagu Arkay Hawada Degmada Seylac..

Somalia news

Dhawaan ayeey aheyd markii Wasiirka 1-aad ee Ethiopia uu Baarlamaanka ka sheegay in Dalkiisa xoog iyo xeeladba uu ku raadin doon Dekad ay gaar u leeyihiin si loo quudiyo 120-Million ee Ethiopian ah, wixii ka dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay dhaqdhaqaaqyo iyo abaabulka Maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ee Somalia…

Xogo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijinaaya in 48-kii saac ee la soo dhaafay, waxaa magaalada Zeyla lagu arkay tiro diyaarado ah “CV-22 Osprey tiltrotor aircrafts” Diyaaradaha noocaan ah waxaa inta badan isticmaala Ciidamada Badda ee Mareykanka ama calooshood u shaqeystayaasha UAE, Ujeeddadoodu ma cadda, laakiin wuxuu dhaqdhaqaaqa Diyaaradahaan noqon karasn qorshe duulaan ee danaha Ethiopia.

https://twitter.com/hammrawi/status/1724879929509064819?s=46&t=ULdzLZsDXJ_GmmSfmTsWjw

UAE ayaa damac kaga jiraa inay Degmada Saylac iyo dhismaha Dekada ay ku daraan qorshaha Saldhigga Ciidamada badda ee Ethiopia, iyadoo UAE iyo Ethiopia ay ka dhaxeeyaan xiriir aad u dhow, Waxayna Ethiopia la xiriirtaa UAE, iyagoo xusaya “walaaltinimada Masiixiga ah ee ay wadaagaan” ee ka soo horjeeda Muslimiinta Soomaaliyeed Dukumiintiyada sirdoon ay muujinayaan.

287810cookie-checkMa Dhabaa in Diyaarado Helicobters ah lagu Arkay Hawada Degmada Seylac..