Dagaal Qabyaaladeed Ee Kulankii Djibouti Ee Afada Wasiir Jamaal

Somalia news

Kulan balaaran oo socday 13-kii ilaa-kii bishaan December ayna dadkii ka qeybgalay ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiin Dowladeed, Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahannada Soomaalida ee Geeska Afrika iyo kuwa qurba-jooga intaba. Waxaana lagu gorfeeyay Hanaanka Dowladeed, Hufnaanta xulashada, Amaanka iyo qodobo kale..

Doodihi maalinta 1-aad la qabtay, waxaa dadkii ka qeyb galay ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Jamal Maxamed Xasan, kaasoo oo hadalkii uu madasha ka jeediyay ku soo qaaday Qodobo ay ka mid yihiin in Dalka Somalia uu xiligaan marayo marxaladdi ugu wanaagsaneyd ee Hanaanka Dowladeed iyo amaan.

Waxaa Dadkii Wasiirka su’aalaha weydiiyay ayaa waxaa ku jiray, Mr.Cabdiraxman Yabarow, oo ah Madaxa laanta Af-Soomaaliga VOA, isagoo inta uusan su’aasha bandhigin, ku bilaabay afeef uu si cad ugu muujiyay in waxa uu sheegayo aysan shaqo ku laheyn VOA, ee uu fikirkiisa shakhsiyadeed cabbirayo.

Su’aasha uu wasiir Jamal weydiiyay waxay aheyd sidaa: “Waxaan rabaa tan ugu horreyso inaan faallo ka dhigo, kadibna aan su’aal mid ama laba aan tuurto. mida Wasiir Jamal oo aan u maleynayo, dadka qaarna ay ku raaceen oo aheyd Somalia xiligaan meel ay ka wanaagsantahay ma jirto la leeyahay, Wuxuu yiri: “Aniga oo daacad u hadlaya xushmeynayana, 100% kuma raacsani, Ka saxafi ahaan aniga oo madax bannaan, maanta waxa Somalia ka jiro waxaan leeyahay Ilaaheey ha u kaalmeeyo, dhibaatooyinka Dalka ka jiro iyo ififaalaha waliba xilli lagu jiro doorashada. Wasiir Jamal kuma eedeynayo maadaama uu Dowladda ku jiro.”

Markaa, maxay aheyd jawaabti lama filaanka aheyd ee kasoo baxday Dr. Hodan Cusman oo ah Afada Wasiir Jamal, Waxay Hodon sheegtay inay rabto in ay saddex faallo kusoo koobto hadalkeeda. Waxayba ku billowday dagaal, iyadoo sheegtay waa inaan kala saarnaa dhaleeceynta wax dhiseyso iyo naqdiga tooska ah ee ujeedkeedu tahay “kuma jecli”, Waxay kaloo sheegtay in kulanka intiisa badan dadki ka hadlay ay ahaayeen kuwo fikradaha dadka qaar kasoo horjeeday, taasoo macnaheedu tahay siyaasaddaada iyo fikirkaada kama helin sidaasi daraadeed waa kaasoo horjeesanayaa.

156510cookie-checkDagaal Qabyaaladeed Ee Kulankii Djibouti Ee Afada Wasiir Jamaal