Dagaal Safeyn Ah Oo Dhex maray Somali & Kuwait

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya dagaal saf ah oo dhex maray Muwadiniin Somali iyo Kuwait, kaasoo ka dhacay Magaalada Al-Jahara oo qiyaastii u jirta Caasimada Kuwait City 50-KM, ilaa hadda lama yaqaano khasaaraha ka dhashay….

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegaya in gacan ka hadlkaan uu ka bilaawday kadib markii ay dagaalameen Wiil Soomaali ah oo da’diisu lagu qiyaasay 20-sano jir iyo mid Kuwait u dhashay oo 22-sano jir ah, sida uu qoray Wargeyska Al-Anba oo ka soo baxay Dalkaasi.

Gacan ka hadalkaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoogan, iyadoo goobta ay soo gaareen Ciidamada Amaanka Magaalada Al-Jahara, waxeyna goobta ka heleen Qori aan rasaad laheyn, Boliiska Ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay Masaajidka Magaalada hortiisa, waxeyna wadaan Baarista la xiriirta sababta uu Dagaalka u bilaawday.

78970cookie-checkDagaal Safeyn Ah Oo Dhex maray Somali & Kuwait