Maxaa Ka Run ah Dooni la Afduubtay in lagu Arkay Xeebaha Maamul Goboleedka Puntland..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga gelayaa Afduub loo geystay Dooni Kaluumeysi oo laga afduubtay Xeebaha Somalia ayaa lagu arkay shalay (Sabti) Dekad macmal ah oo ku taal degaanada Puntland, iyadoo lagu eedeeyay Afduubkaan Xoogag hubeysan oo ka soo jeeda Puntland…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Doontaan laga afduubtay xeebaha Jiifle ee degaanka God-jiiraan ee Gobolka Nugaal, iyadoo laga cabsi qabo in Doontaan ay noqoto mid loo adeegsado Afduubka Maraakiibta Ganacsiga iyo Kuwa Shidaalka, iyadoo Maamul goboleedka Puntland ka gaabiyay inuu wax ka qabto Kooxaha Burcad badeedka degaanka.

Qoraal ay soo saartay Hey’adda UKMTO ayaa xaqiijisay in Doontaan ay saaran yihiin 11-Dabley ah, waxaana lagula taliyay Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Shidaalka iney taxadar badan muujiyaan, iyadoo ilaa 3-Weerar ay Kooxahaan ja geysteen Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

312120cookie-checkMaxaa Ka Run ah Dooni la Afduubtay in lagu Arkay Xeebaha Maamul Goboleedka Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com