Wararka dheeraad ah laga helayaa dagaal Siyaasadeed xoogan oo loolan adag loogu jiro sidii loo hanti lahaa Kursiga Hop#064 oo ahaa qondo Haween ayna horey ugu fadhisay Xildhibaan Sahra Cumar Maalin, ayaa la qorsheeyay in laga saaro Qondada Haweenka…
Kursigaan ayaa waxaa iska leh Beesha Absuge/Waceysle, iyadoo la qorsheeyay sanadkaan bilawgiisii in laga saaro Qondada Haweenka, waxaana ka shaqeeyay Farmaajo iyo Qorqor, waxaana la soo hormariyay qabashada Xulashada Kursigaan iyadoo uu ku bilaawday dagaal mindhicireed u dhaxeeya Xikdhibaanada iyo Musharax Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib).

Xiisada ayaa la sheegay iney Cirka isku shareertay kadib markii Maxkamada Gobolka Galgudud ay soo saartay Warqad u yeerid ee lid ku ah Musharaxa Maxamed Cajiib isagoo laga dalbaday inuu Maxkamada hor yimaado 24-ka Bishaan (Maanta), waxaa xiisada soo fara geliyay Qorqor iyo Farmaajo, iyadoo Xafiiska Xeer ilaalinta uu saaray Qoraal lagu joojinaayo Dacwada Maxamed Cajiib.

Tartanka Kursigaan waxaa ku soo biiray Musharixiin jufooyinka hoose ah (Maxamed Cadde & Eybakar Gaab) ee Beesha Waceysle xaalada Doorashadana qarka u saartay inuu dhiig ku daato, waxaana lagu eedeeyay inuu saameyn xoogan ku leeyahay Cabdullaahi Geedi Shador oo la safan Wiilka Musharaxa ah iyo Eedeysane Yaasin Farey.