Kala Bedelashada Kuraasta Ee Xulshada Dadban

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa sagootin maantay ka dhacday Magaalada Mogadishu, iyadoo uu Xildhibaan Maxamed Idiris Ganey uu sagootiyay Ninka kursigiisa lagu bedelanayo oo lagu magacaabo Xasan Xuseen Maxamed oo loo yaqaano Xasan Eelaay oo ah Wasiir ka tirsan Koofur Galbeed…

Kala bedeshada Kursigaan ayaa ka dambeysay kaddib booqashadii Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen uu ku tagay Kismaayo, waxaana Lafta Gareen iyo Axmed Madoobe kala bedesheen kuraas kala taala Baydhabo iyo Kismaayo, Xildhibaan Idiris Ganey ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii sida weyn uga soo horjeeday Maamulka Farmaajo, islamarkaana difaacayay Maamulka Axmed Madoobe.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aanu mowqifkiisa waxba iska bedelin difaaca Jubbaland, wuxuu kursigiisa ku bedeshay aanay jirin, waxaana muuqato in difaaciddii Jubbaland aan waxba loogu abaal gudin, balse kursigii uu ku fadhiyay uu noqday mid lagu “kaarto” baxay.

163730cookie-checkKala Bedelashada Kuraasta Ee Xulshada Dadban