Dagaal Xoogan Oo ka Soconaaya Afaafka hore ee Guriceel

Somalia news

Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in goor dhow uu dagaal xoogan uu ka qarxay magaaladaasi, kadib markii Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Galmuudg iyo Maleeshiyo Beeleed abaabulan ay foodda is dareen Xoogaga Ahlu Sunna…

Dagaalka xoogiisa ayaa ka soconaya fariisimaha ay Xoogaga Ahlu Sunna ku leeyihiin afaafka hore ee magaalada, oo ay dhufeysyo kaga jiraan, dirirtaan ayaa ah mid hubka noocyadiisa kala duwan la’isku adeegsanayo, iyadoona ay qayb ka yihiin gaadiidka dagaalka.

Dagaalkan ayaa imaanaya, xilli labada dhinac looga digay dagaal aan natiijadiisa la sii saadaalin karin, isla-markaana galaafan kara nolosha dad badan, iyadoo Maamulka Villa Somalia iyo Kan Galmudug lagu Eedeeyay iney dagaalkii Kooxaha argagixisada u soo wareejiyeen iney la dagaalaan Kooxda Ahlu Sunnah, waxaana gadaal ka riixayaa Kooxda Al-Ictisaam.

147150cookie-checkDagaal Xoogan Oo ka Soconaaya Afaafka hore ee Guriceel