Maxaa Ka Dhab ah Khilaafka U Dhaxeeya Madoobe & Kuxigeenkiisa

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay warar tilmaamaya inuu Khilaaf xoogan u Dhaxeeyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland (Axmed Madoobe) iyo Kuxigeenkiisa Maxamuud Sayid Adan, kaasoo la sheegay inuu salka ku hayo arrimo dhowr ah oo is biirsaday…

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Qodobada ay isku qabteen ayaa la sheegay iney ka mid yihiin Arrimaha Doorashada iyo xulista xubnaha Beesha Mareexaan, xal u helida xiisada Gobolka Gedo, Dhaqaalaha iyo qorista Ciidamada cusub ee Gobolka Gedo laga keenaayo, sidoo kale Maxamuud Sayid ayaa diiday inuu Magac u yaal noqon Sida kan Hawiye.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu shaki weyn ka qabo daacadnimada Maxamuud Sayid iyo inuu xiriir hoose oo Wada shaqeyn la leeyahay Farmaajo Fashilmay ee Muddo ka dhamaatay, wuxuuna ka fiirsanayaa inuu soo xulo xubin cusub oo Beesha Mareexaan ku metala Maamulka Jubbaland, iyadoo lagula taliyay inuusan ku deg degin xiligaan kala guurka ah inta laga qabanaayo Doorashada.

147180cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah Khilaafka U Dhaxeeya Madoobe & Kuxigeenkiisa