Ma Dhabaa in Kulankii lagu waday iney Yeeshaan Madaxwrynaha & Maamulada Gobolada uu Fashilmay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Kulankii lagu waday in ay horraanta bishaan yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka si loo xalliyo khilaafaadka labada dhinac ayaa gebi ahaanba fashilmay sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah…

Xogta ayaa tilmaamaysa inuu jiro kala aamin-bax u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood oo rumaysan inuu dagaal kaga soo wajahan yahay dhanka Villa Somalia.

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa sida la sheegayo go’aansaday in aysan imaan Shirka meel kasta oo lagu qabto si dunida loo tuso in aanu waxba ka jirin Hal-ku-dhegga Xasan Sheekh ee “ Soomaali Heshiis ah dunidana Heshiis la’ ah”.

Wararku waxay intaas ku darayaan in hadda dhammaan Dowlad Goboleedyadu hal mowqif ka taagan yihiin Khilaafka Villa Somalia oo aanu jirin Dowlad Goboleed heshiis la’ ah.

211690cookie-checkMa Dhabaa in Kulankii lagu waday iney Yeeshaan Madaxwrynaha & Maamulada Gobolada uu Fashilmay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com