Mas’uuliyiin katirsan Maamulka KGS oo gaaray Degmada Bardaale oo Go’doonsan 

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed ayaa gaaray Degmo muddo dheer ah go’doon ay geliyeen kooxda Shababka, taaasoo Degmada Bardaale ee ka tirsan Gobolka Bay, iyagoo kormeer ugu tageen magaalada qiimeynta Nabadgalyada..

Wararka ayaa sheegay in Wafdigaan uu Hogaaminaayay Wasiirka Amniga gudaha Mr.Maxamed Isaaq Cabdi, ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Maamulka Degmada Bardaale, Saraakiisha Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Konfur Galbeed, Midowga Afrika ee ATMIS & Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka safarka Mas’uuliyiintaan ayaa ah u kuurgelida xaaladda dadka kunool degmada Bardaale iyo sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka, Isu socodka Waddooyinka Degmooyinka Gobollada Bay, Bakool & Shabeelaha Hoose ee Konfur Galbeed ayaa kala xirxiran, taasoo saameyn ku yeelatay nolosha Dadweynaha.

207710cookie-checkMas’uuliyiin katirsan Maamulka KGS oo gaaray Degmada Bardaale oo Go’doonsan