Webiga Shabeelle oo laga cabsi qabo inuu Fatahaad Sameeyo

Somalia news

Mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in cabsi xooggan oo la xiriirta Fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle ay ka taagan tahay Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaa laga cabsi qabaa inuu dhibaato xoogan oo Dadka iyo Beeraha u geysto..

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad uu ku sameeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe April, May & June waxa ka dhashay barakac, dhul beereed badan oo ba’ay & burbur gaaray qaar kamid ah xaafadaha Degmada Jowhar, Xildhibaan degaanka ah ayaa sheegay in Dadka degen Degmooyinka Jowhar, Mahadaay & Balcad ay welwel ka qabaan in uu markale fatahaad ku sameeyo Webiga Shabeelle oo haatan buux dhaafiyay sida uu hadalka u dhigay.

“Jowhar, Mahadaay & Balcad weli dadka kama soo kabsan fatahaaddii uu ku sameeyay Webiga Shabeelle, waxaa la galay Xiliga deyrta oo biyo badan ayaa ku hooraya Webiga” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar.

Buqda Boodaale ayaa Degmada Balcad ku furtay biyo badan weli lama xirin, xalka keliya waa in la sameeyaa kahortag wadajir la isaga kaashado si meelaha fatahaadaha uu ka sameynayo Webiga loo dhigo Jawaanno” ayuu yiri Xildhibaan Cumar.

147580cookie-checkWebiga Shabeelle oo laga cabsi qabo inuu Fatahaad Sameeyo