Dagaalka Ethiopia iyo Saameynta Degaanada Somalia & Djibouti

Africa News

Degaanada Somalida Guud ahaan isbedel togan ayaa ku soo socda haddii loo sii weel samaysto ilaa Babul Mandab ayeynu xiran karaan si dhul ahaan iyo bad ahaanba aan loo boobin, waxaana muuqda ifafaalo ah in Qomiyadaha Tigreega iyo Canfarta oo isbahaysatay ay khatar ku tahay dhulka Soomaalida guud ahaan, gaar ahaana Ciisaha iyo dalka Djibouti..

Dib u xasuuso akhristow, Xiligii uu Tigreegu xukunka hayey, wuxuu gacanta u geliyey ismaamulka Canfarta qaybo ka mid ah dhulka Ciisa mha si uu Canfarta ugu sahlo iney gacanta ku dhigto dhabada xadiidka ee Djibouti ka timaad Ciisahana barakicisa. Qorshaha Tigreega iyo Oramada waxey ka siman yihiin iney Bad helaan.

Colaad ku salaysan dhul balaarsiga oo Ciisaha iyo Canfarta Eithopia ku dhex martaa waxay bilow u ahay in Dowladda Djiboutina siyaasad ahaan, nabadgelyo ahaan iyo dhaqaalahaanba ay wiiqanto, Xilgan aynu joogno, In Jabhada Tigreegu ay iska xirto ama khalkhal geliso marinka Tareenka Djibouti waxay u tahay guulweyn oo ay kaga adkaan karto Abiy Ahmed iyo Amxaaroba, dhaqaalaha Ethiopiana ku naafayn karto.

Canfarta iyana waxay u aragtaa iney guul u tahay inay Ciisaha wiiqdo dhanka Ethiopia iyo Djiboutiba, Dagaalka Tigreegu ka bilaabay ismaamulka Canfarta iyo soo dhawaynta Canfartu waxay gogol xaar u tahay in la isku balaariyo dhulka Ciisa, Djibouti na dabku gaaro kuna fido degaanada Waqooyiga iyo Waqooyiga-Bari ee Somalia, halkaasoo ay ku nool yihiin tiro badan oo Ethiopian ah.

Sidaa darteed, waa lama huraan in talo hoose laga sii yeesho, gaar ahaan maamuladani iyagoo dhinca nabadgelyada ka gelayaa xiligan gulufka colaadu oganyahay, waxna hoos iskugu ogaada.

  1. Dawlada Djibouti
  2. Maamulka Somaliland
  3. Ismamulka Somalida ee Ethiopia.
  4. Dawlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, iyo Hir-Shabelle.
130830cookie-checkDagaalka Ethiopia iyo Saameynta Degaanada Somalia & Djibouti