Maxaa Ethiopia Oo a Laheyn Xeeb U Dooneysa iney Dhistaan Ciidamo Badeed

Africa News Somalia news

Dowladii Dergiga ee Ethiopia oo Maamulaysay xiligaasi ilaa Erateria ayaa waxa ay lahayd Ciidamo Badeed oo lagu qiyaasay 11,500 Ciidamo Ah Iyo 11 Maraakiibta Iyo Doonyaha dagaalka ah Agabkii Iyo Ciidamadii waxaa Ka Faaiideysatay Dalka Erateria waxna waxa la bililiqaystay xiligaasi…

Bishii April 2018 ayuu ka dhawaajiyey Raisal Wasaaraha dalkaasi iney dhisi doonaan Ciidamo Badeed bacdamaa ay leedahay mid ka mid ah Ciidamada Dhulka ee Qaarada Africa ugu Awooda badan Iyo Ciidamada Cireed e Africa, wuxuuna sheegay iney ku talo jiraan iney dhistaan Awood Ciidamada Badda ah.
Madaxa Hay’ada Hawlaha Maraakiibta Iyo Badaha Ee Dawlada ( ESLSE ) Robe Megerssa Akawawa ayaa Warbaahinta Bloomberg ee Maraykanka u sheegay iney Ethiopia u baahan tahay Ciidamo Badeed.

Sababaha ugu waa weyn ee ku kalifayana wuxuu ku sheegay iney Ethiopia leedahay 11 Markab oo kuwa Ganacsiga ah oo u baahan ilaalo, waxa kale oo uu raaciyey iney walaac ka qabaan Saldhigyada Milateri ee Dowladaha Shisheeye ku leeyihiin Djibouti US, China, Japan Iyo France Maadaama aanay Djibouti & Somalia aaney lahayn buu yiri Ciidamo Badeed Oo Xoog Leh Gobolka dan bay u yihiin Ciidamo Badeed oo Ethiopia yeelataa.

12 March 2019 Madaxweynaha France , ayaa booqasho 2 maalin ku yimid Ethiopia ,  Raisal Wasaare Abiy Ahmed & Madaxweyne Macron waxey kala saxiixdeen Heshiisyo aad u culus waxaa  ka mid ah Hishiiska dhismaha Ciidamada Bada Ethiopia kaasoo saamaxayo in wadanka France lagu tababaro Saraakiisha & Askarta Ciidanka Bada Ethiopia, isla markaasna ka iibiso 12-markab dagaal dalka Ethiopia, inkastoo qorshahaasi ay wiiqeen Dagaalka sokeeye ee ka qarxay Waqooyiga Dalka.

Waxaa jiray Heshiisyo kale oo Dawlada Ethiopia la gashay Dalalka Erateria Iyo Somalia xiligii ay wada gaareen Heshiiskii Sadex-Geesoodka ahaa kaasoo lagu sheegay Iskaashiga Dhaqaalaha Is-dhexgalka Iyo wax is Dhaafsiga, Waxaa ka mid ahaa in Ethiopia qorshahaasi in Afar Dekadood oo ay Somalia Leedahay laga kireeyo, iyadoo heshiiskaasi si qarsoodi ah uu qalinka ugu duugay Farmaajo, isla markaasna Muuse Biixi & Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Awdal ay Oggolaadeen Waxaana la siiyay Dekeda Seylac.

166410cookie-checkMaxaa Ethiopia Oo a Laheyn Xeeb U Dooneysa iney Dhistaan Ciidamo Badeed