Ma Dhabaa in Mareykanka ay Hakiyeen Taageero Maaliyayeed Oo Ethiopia loo Oggolaaday..

Africa News

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Qorshe guracan oo Maamulka Washington uu ku horjoogsaday Taageero Maaliyadeed ee Hey’adda IMF-ta u oggolaadeen iney deyn ahaan u siiyaan Dowladda Ethiopia, iyagoo shuruud uga dhigay iney ka soo baxaan Isbaheysiga Russia iyo China oo Fagaarasha Caalamka codkooda ku taageeray..

Xogtaan ayaa sheegtay in Ilo xog ogaal ah oo aan jeclayn in aan la shaacin ayaa ii xaqiijinaaya in Maamulka Maraykanka uu isbaaro u dhigtsy in ka badan 2-Bilyan oo US$ ay Ethiopia dayn ahaan u sbalanqaaday Hey’adda IMF, iyagoo dalbaday in Marka hore lagula xisaabtamo gabood-falladii dagaal ee dhacay, balse hadafkooda dhabta ahi uu yahay in ay ku qasbaan Dowladda Ethiopian iney iska fogeeyaan Taageerada Siyaasadeed iyo Diblomassi ee u muujiyeen Dowladda Ruushka iyo China.

Dowlada Ethiopia ayaa qaadatay Dadaalo Nabadeed op ay hormuud ka tahay Ururka Midowga Africa, kaasoo lagu soo af jaray dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay Gobolka Tigray, kaasoo Mareykanka iyo Isbaheysigiisa E-da ay taageero dhan kasta ah.

Wararka ayaa sheegay in Dalka China uu xiligaan yahay Deyn-bixiyaha ugu weyn ee Ethiopia, waana taasi mida ay culeyska ku saarayaan Maamulka Addis, sidaas darteed Maraykanku wuxuu filayaa in Dowladda China ay qaadato mas’uuliyad dheeraad ah oo ku saabsan badbaadinta Saaxibadiisa, Waxaan aaminsanahay in Danaha China halis badan ku jirto haddii Ethiopia ay ku guuldareysato.

255620cookie-checkMa Dhabaa in Mareykanka ay Hakiyeen Taageero Maaliyayeed Oo Ethiopia loo Oggolaaday..