Ma Dhabaa in Dagaal Diblomaasiyayeed lagu hayo Maamulka Gobolka Sool Oo Mogdishu ka Olole Wajiyo Badan..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal dhinacyo badan oo ka duwan kii Xabadaha ayeey kala kulmayaan Wafdiga Maamulka SSC/Khatumo oo ku sugan Caasimada Somalia, iyagoo hadafkoodu yahay sidii Gargar dhinac kasta ah loogu fidi lahaa Shacbiga Gobolkaasi..

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Wafdiga Hoggaamiyaha Maamulka SSC-KHAATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), oo maalmo ku sugan magaalada Mogadishu isla markaasna Madaxweynaha ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, Danjirayaasha Turkiga iyo China ayaa la sheegaya in Saraakiisha Safaarada UK ay si hoose u wado olole ay culeysyo ku saareyso Safaaradaha Reer Galbeedka ineysan la kulmin.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta labada Gole oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga iyo xubno taageerayaal ah ayaa sidoo kale wada dalabyo ay ku doonayaan ineyaan Wafdigaan aan ka qaabilin isla markaasna Taageerada iyo Gargaarka loo marsiiyo Maamulka Hargeysa inkastoo isku dayadaasi ay fashilmeen.

Dhanka kale, Hogaamiyaha Maamulka SSC/Khaatumo ayaa soo saaray Go’aan uu ku joojinaayo in 17-ka Xildhibaan ee Sool laga xulo la joojin doono Doorashada Puntland, taalaabadaan oo la macno ah in aysan wax matalaad ah Beesha Dhulbahante ku yeelan doonin Golayaasha Maamulka Puntland.

https://www.facebook.com/reel/819634296509060?fs=e&s=7MtrtK

281280cookie-checkMa Dhabaa in Dagaal Diblomaasiyayeed lagu hayo Maamulka Gobolka Sool Oo Mogdishu ka Olole Wajiyo Badan..