Dagaalo ka Qarxay Gobolka Amxaarada Ee Dalka Ethiopia..

Africa News

Wararka naga soo gaaray is-Maamulka Amxaarada ee Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Dagaalo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala uu dib uga qarxay dhowr Magaalo oo ka tirsan Gobolka Amxaarada , kaaso u dhaxeeya Ciidamada Ehiopia iyo Jabhada Hubeysan ee Fano…

Wararka ayaa sheegay in ilaa 4-Magaalo oo muhiim u ah Gobolka oo ay ku jirto magaalada taariikhiga ah ee Lalibela ayaa la sheegaya kooxda Hubeysan ee Fano inay gudaha u galeen, Tallaabadaasi ayaa dhalisay inuu istaago isku socodka , duullimaadyada diyaaradaha uuna ka joogsado magaalada Lalibela oo la sheegay garoonka diyaaradaha inay qabsadeen jabhadda Amxaarada.

Ciidamada Dowlada ayaa laga soo xigtay iney qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah kooxda Fano, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Difaaca Ethiopia , Col. Getnet Adane, dagaalkaan ayaa dhaliyay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed.

Dhinaca kale , Madaxweynaha Gobolka Amxaarada, Yilkal Kefale ayaa laga soo xigtay inuu dadaal ku bixin doono colaadda sidii xal looga gaari lahaa , isagoo markaa caddeeyay inuu xafiiskiisa u furan yahay wada-hadal in lagu dhammeeyo xaaladdan cusub.

269640cookie-checkDagaalo ka Qarxay Gobolka Amxaarada Ee Dalka Ethiopia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com