Ma Dhabaa iney Ka Shireen Muddo Kororsiga Deni Madaxda Aaran-jaan & Asad Dayaano

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan ka dhacay magaalada Nairobi kaasoo ay wada yeesheen Maxamuud Shiddo (Madaxa kooxda Aaran-jaan) iyo Asad Diyaano oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradsan Siciid Deni. sida ay xaqiijiyeen xogo loo qaateen ah…

Wararka ayaa sheegay in Labada siyaasi oo ka mid ah Kooxaha sida weyn uga horjeeda inuu mudada kororsado Madaxweynaha Puntland oo mudda xileedkiisu ku eg yahay 8 Jan 2024, isagoo qorshihiisa gacan iyo taageero kaga helay Villa Somalia, wuxuuna weydistay Madaxweynaha Xasan Sheekh in la heshiisiiyo isaga iyo Tiro Isamada muhiimka ah ee Puntland kuwaasoo xiligaan ku sugan magaalada Mogadisho.

Inkastoo aysan jirin xog rasmi ah oo ka soo baxday kulanka Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano iyo midka Deni iyo Ismada, haddana Warar hoose ayaa sheegaya in Isimada iyo Hogaamiyayaasha mucaaradka ku sugan Bari iyo Nugaal ay ka midaysan yihiin diidmada mudda kororsiga.

222640cookie-checkMa Dhabaa iney Ka Shireen Muddo Kororsiga Deni Madaxda Aaran-jaan & Asad Dayaano
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com