Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxda Kooxaha Mucaaradka oo kusii jeeda Magaalada Baydhabo

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh oo ay wehliyaan xubno katirsan Xukuumadda iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegay in Hey’adaha Amaanka magaalada Baydhabo iyo Ciidamada ATMIS ay si weyn u adkeeyeen, iyadoo la xiray qaar kamid ah Waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi oo lasoo dhigay ciidamo badan oo sugaya amaanka Madaxweynaha iyo wafdigiisa, ujeedada Safarka ayaa lagu sheegay dhiiri gelinta iyo ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ka furmaya magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo dhigay gogosha shirka  dib u heshiisiinta ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, wuxuuna halkaasi ka wadaa shirar hor dhac ah oo looga arrinsanayo shirka weyn ee furmaya, iyadoo sidoo kale Siyaasiyiinta Mucaaradka lagu wado iney maanta gaaraan magaalada.

236320cookie-checkMadaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxda Kooxaha Mucaaradka oo kusii jeeda Magaalada Baydhabo