Dalka Oo Qalalaase Siyaasadeed & Mid Amni Cagaha la Galay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dib u dhac ku yimid Kulan lagu waday iney maalinta berito (27-ka December), ay yeelan lahaayeen Golaha Wadatashiga Doorashooyinka Dalka, kaasoo looga hadli lahaa Qodobo dhowr Oo ay ugu muhiimsan yihiin Degaan Doorashada iyo Amaanka…

Wararka ayaa sheegaya in dib u dhacaan uu yimid kadib markii uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu codsaday in dib loogu dhigo sababo la xiriira khilaafka ka taagan magaalada Boosaaso, wuxuuna codsaday in la siiyo muddo todobaad ah oo lagu dhammeynayo shaqaaqadii ka dhacday magaalada Boosaaso.

Dhanka Kale Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo ayaa xalay Shaaciyay inuu dib ula noqday hoggaanka Doorashada ee uu hore ugu wareejiyay Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna soo saaray Qoraal uu shaaciyey inuu Maxamed Xuseen Rooble ku fashilnay qabashada Doorasho ku dhisan heshiiskii 17-ka Septmbar.

Qoraalkaan ayaa Qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni Dalka u horseeday, iyadoo talaabadaan ay soo shaac baxday kadib markii xiisad ka dhalatay Guddiyada Doorashada oo xubno taageersanaa Madaxtooyada xilalkii laga qaaday, Waxayna tani ka dhigan tahay inuu Farmaajo si cad isu hortaagay Doorashada, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Abaabul dagaal iyo carro tuur uu xiligaan hareeraha Madaxtooyada ka wado, bal ha la arko waxa laga dhaxlo.

158160cookie-checkDalka Oo Qalalaase Siyaasadeed & Mid Amni Cagaha la Galay