Maamulka SSC-Khaatumo oonKa Hadlay Dil Qorsheysan oo ka Dhacay Degaan Hoos taga Gobolka Sanaag..

Somalia news

Wararka naga soo gaaray magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maamulka SSC-Khaatumo uu ka hadlay labo Nin oo Shacab ah oo maalin ka hor lagu dilay degaan hoos taga Gobolka Sanaag, dilkaasi oo ay geysteen Maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Habarjeclo ee Maamulka Somaliland…

Qoraal ka soo baxay maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in 28-kii bishan April Degaanka Laymar ee Gobolka Sanaag lagu dilay Cismaan Maxamuud Colgondood iyo Maxamed Axmed Aadan Ducaale, dilkaasna ay geysteen Maleeshiyaad ka soo jeeda Somaliland, waxeyna qoraalkoodu ku xuseen in maamulka Somaliland uu maleeshiyo beeleed ku uruuriyay galbeedka Gobolka Sanaag, kuwaasoo sida ay sheegeen u jeedkoodu yahay in lagu dhibaateeyo Shacabka reer SSC-Khaatumo ee ku nool Sanaag.

Warar kale ayaa sheegaya in Nabadoono u dhashay Beesha Sacad-Yoonis ee Garxajis ayaa Beesha Ugaaryahan ku wareejisay Nin ka badbaaday weerarkii lagu dilay 2-Nin ee Beesha Dhulbahante ka tirsan oo ayna dileen Maleeshiyo beeleedka Habarjeclo, Ninkan oo baxsaday habeen hore ayaa u galay Degaanka Sacad-yoonis halkaasoo uu ku nabad-beryay, Shalayna lagu wareejiyay Madaxdhaqameedka beeshii uu kasoo jeeday ee Naalleeye Axmed.

324260cookie-checkMaamulka SSC-Khaatumo oonKa Hadlay Dil Qorsheysan oo ka Dhacay Degaan Hoos taga Gobolka Sanaag..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *