Ma Dhabaa In Rooble Uu Xilka Ka Xayuubin Doono Tiro Wasiiro ah

Somalia news

Qoraalkii xalay Farmaajo Fashilmay uu soo saaray kadib Waxaa lagu wadaa RW Rooble in maalmaha soo socda uu xilka ka qaado Tiro Wasiiro ah oo ka tirsan Dowladiisa, oo kala ah, kuwaasoo si bareer ah ula saftay Madaxtooyada isla markaasna dhegaha ka fureystay baaqyo badan oo loo jeediyay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Wasiirada kala ah Mr.Beyle, Wasiirka Maaliyada, Mr.Jamaal, Wasiirka Qorsheynta, iyo Cabdisaciid, Wasiirka Arrimaha Dibeda, Xilalka laga xayuubin doono Sidoo kale, Qorshaha xiga ayaa lagu wadaa in isbadal lagu sameeyo Taliyayaasha Ciidamada Xoogga, Booliska, Asbuubta iyo Agaasimaha NISA, Saraakiishaan ayaa lagu eedeeyay iney wadaan Abaabul dagaal iyo Afgembi, waxeyna qorsheeyeen iney dagaal sokeeye Dalka geliyaan.

RW Rooble, ayaa latashiyo xiriir ah la sameeyay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Mudulood iyo HG, kuwaasoo taageero Hool iyo hoi a u balanqaaday Wasiirka 1-aad sidoo Odayaasha ayaa damaanadqaad hordhac ah u siiyay in Cali Guudlaawe, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Kan Galmudug ay culeys ku saari doonaan iney joojiyaan taageerada ay la daba joogaan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

158190cookie-checkMa Dhabaa In Rooble Uu Xilka Ka Xayuubin Doono Tiro Wasiiro ah