Dalka Somalia oo 90-Maalmood Wasiir Ariimo Dibadeed La’aan ah..

Somalia news

Warbixin ayaa daaha ka rogeysa in Dalka Somalia uusan laheyn Wasiir Arrimo Dibadeed muddo 3-Bilood ah, iyadoo Wasiirkii u dambeeyay (Mr.Abshir Huruse) uu shaqada ka tagay 18-kii Decembar 2023-kii si uu uga qwyb galo Tartanka Madaxtininada Maamulka Puntland..

Wararka ayaa sheegaya in Wakhtigaasi wixii ka dambeeyay waxaa la sheegay in ay wada Maamulayaan Shaqada Wasaarada Arrimaha Dibeda Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibeda Cali Balcad oo Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan iyo Agaasimaha arrimaha Siyaasada Xafiiska Madaxweynaha Jihaan Xasan Sheekh.

Khubarada Arrimaha Somalia ayaa sheegay in markii ugu horeysay taariikhda oo sidaan oo kale ay dhacdo Wasaaradaan oo Howlaheeda muhiim yihiin ayaa fadhiid lagu tilmaamay, ku darsoo waxaa sidoo kale Wasiir la’aan ah Wasaarada Amniga iyo Wasaarada Haweenka.

Xogo loo qaateen ah ayaa Tilmaamaya in Madaxtooyada Villa Somalia ay Xildhibaanada Federaalka ay isku dayeeyso iney ku soo jiitaan Xubnaha labada Gole si marka hore loo meel mariyo Ajandayaasha Soyaasada iyo Wax ka bedelka Dastuurka oo Doodiisu Cutubka 4-aad lagu guda jiro.

314320cookie-checkDalka Somalia oo 90-Maalmood Wasiir Ariimo Dibadeed La’aan ah..