Markab Dhuxul Siday Oo Laga Afduubtay Xeebaha u Degaanada Galmudug Laguna Hayo Degmada Eyl…

Somalia news

Hey’adda la socota dhaqdhaqaaqa Maraakiibta iyo Amaanka Badda lagana leeyahay dalka Britain laguna magacaabo Ambrey ayaa sheegtay in markab maraayay xeebaha Somalia ay koox hubaysani la wareegeeen…

Sidoo kale Hey’adda La socodka Howgalada Ganacsi ee Badda ee Ingiriiska ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno (UKMTO) ayaa iyadana sheegtay in gacan ku haynta markabka lagula wareegay meel dhanka bari kaga beegan magaalada Muqdisho 600 oo Nautical Mile oo dhiganta 1,111 KM.

Ambrey waxay sheegtay in tirada dadka markabka la wareegay ay ahaayeen 20-Qof, markabkuna uu watay calanka Dalka Bangladesh. Isagoo kusii jeeday magaalada Hamriya ee dalka Imaaraadka Carabta kana yimid Caasimaddda Maputo ee Dalka Mozambique, Xaalka shaqaalahii markabka saaraa ayaanse la ogeyn siduu yahay, waxana jira warar is khilaafsan oo sheegaya iney la aadeen Xeebta Degmada Eyl.

Markabkan hadda la afduubtay, ayaa waxaa saaraa sida la sheegay dhuxul waxaana markabka lagu magacaabaa MV Abdullah, Warbaahinta Bangladesh ayaana sheegtay in ay saaraayeen 23 qof oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh.

314290cookie-checkMarkab Dhuxul Siday Oo Laga Afduubtay Xeebaha u Degaanada Galmudug Laguna Hayo Degmada Eyl…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com