Suufiyada Degmada Mandheera Oo Ka Carooday Hal ka soo Yeeray Wasiirka Difaaca Kenya..

Africa News Somalia news

Qeylo dhaan iyo cabasho xoogan ayaa ka soo yeeray Xubno ka tirsan Suufiyada Degmada Mandheera ee Maamulka Waqooyi-Bari Kenya, kuwaasoo ku eedeeyay Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale Barre hadal dhawaan uu ka jeediyey Masjid cusub oo laga daah furay Degaanka…

Kooxdaan ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu jeediyay Hadalkii Wasiirka ka jeediyey Masjidka Mandheera, isagoo ka dalbaday Dadka Degaanka iney Masaajidka laga ilaaliyo Dariiqooyinka Suufiyada iyo Takfiirka, dhawaaqaan oo caro weyn ka dhaliyey Mandhera, gaar ahaan Culimada Dariiqada Suufiyada, waxeyna ka dalbadeen Wasiirka inuu raali galin ka bixiyo.

Fakhrudiin Sheekh Cabdicasiis oo sheegay inuu yahay Gudoomiye xigeenka Ahlu-suna wal jamaaca ee Ismaamulka Mandheera ayaa sheegay inay qoonsadeen hadal uu Wasiirka ka jeediyey Masjid cusub oo laga furay Xaafada Busley ee Ismaamulka Mandheera, “isaga oo la barbar dhigay” sida uu hadalka u dhigay “kooxda Takfiirka”.

Mr. Aadan Barre Ducaale oo ka haldlay fal celinta ka dhalatay hadalkii uu jeediyey, ‘‘Haddii ay jiraan dad ka xumaaday hadalkayga oo muslimiinta ah waan raali galinayaa, haddiise aan Aadan Barre ahay waxaanan badalayn fikirkayga ah in ummada loogu nasteexeeyo diinta iyo Xijaabka, aniguna waxaan ka hadlayey maamulka Masjidka iyo inuu noqdo mid bulshada lagu hormariyo diintooda, laguna hago noloshooda ee uusan noqon mid u xiran koox diimeed gaar ah“.

293440cookie-checkSuufiyada Degmada Mandheera Oo Ka Carooday Hal ka soo Yeeray Wasiirka Difaaca Kenya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com