Dalka Somalia Oo Cagaha La Galay Marxalad Khatar ah & Burbur Nidaamka Federaalka ah

Somalia news

Tan iyo markii Dalka laga saaray Dowladnimadii KMG aheyd, ayaa waxaa soo shaac baxaayay dulduleelo waa weyn oo hanaanka Dowladnimo curyaamiyay kuwaasoo ay ka mid yihiin Qabyo Qoraalka (Dastuurka), Hanaanka Doorashada, sugida Amaanka iyo Dib u habeynta dhaqaalaha oo Kooxaha Siyaasada mid waliba Sida uu jecel yahay u fasirtay waxeyna horseeday in Heshiis dhexdhexaad ah laga gaari waayo nidaamka Federaakeynta iyo Doorashada…

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa aaminsan in lagu deg degay Dhismaha Dowlad Federaal ah, iyadoo aan marka hore la diyaarin xeerar kala hagaaya Nidaamka Dowladda ku shaqeyso iyo awoodaha Dowlada Federaalka iyo kuwa Gobolada, waxaana la isla qiray in Dalka iyo dadkaba aysan u bisleyn Nidaamka aan la tijaabin ee Federaaleynta, waxeyna horseedi kartaa in saacad kasta khatar loo bareero, waxaana sabab u ah fasirka qabyada ah ee Siyaasiyinta Maamulka loo doorto hagaajinta sixida Nidaamka Federaaleynta.

Prof.Kabire ayaa sheegay in “Siyaasiyiinta iyo Shacbiga oo aan si fiican u fahmin nidaamka Fadaraalka welina Dowladnimada uyaqaan (Tii Siyaad Barre), Ee halkii Magaalo iyo halkii Nin ee Xamar fadhiyi jiray, ayaa KMG laga saaray., Waxaa isku dhex milmay shaqadii Wasaaradaha heer Dowlad Goboleed iyo heer Fadaraal”.

Awoodo badan oo ay ahayd in la xakameeyo si aysan Dowladda Federaalka ugu takri falin, ayaa si fudud gacanta ugu galay, wuxuuna Maanta markale dalku marayaa inuu kala irdhoobo oo waliba mid aan soo kabasho lahayn kala aado, hadii aan tanaasulaad iyo isku dulqaadasho la la imaanin.

Maalmaha soo socda ayaa lagu tilmaamay iney tahay mid muhiim ah, Iyadoo Garabka Villa Somalia joogta ay ku hanjabayaan iney Muddo kororsi 2-sano ah ku dhawaaqayaan inta aan la gaarin Bisha Ramadan, halka Midowga Musharixiinta ay si cad u sheegeen ineysan aqbali doonin muddo kordhin, isla markaasna ay qoryaha qaadan doonaan, sidoo kale Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyaguna si cad u sheegay iney aayahooda ja tashan doonaan hadii muddo kordhin lagu dhawaaqo.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu tilmaamay kuwo aan go’aan qaadasho cad laheyn waxaana Hogaanka u haya Labada Nin ee Mareykanka ah kuwaasoo lagu eedeeyo iney dhinac la safan yihiin, Danjirayaasha Dalalka daneeya Arrimaha Somalia ayaa 3-dii sano Ee u dambeysa dusha ka fiirsanaayay xaalada Siyaasadeed iyo Khilaafaadka u dhaxeeya Maamulka Farmaajo iyo Maamulada Gobolada Puntland iyo Jubbaland, Talo xumadoodu waxeyna horseeday in Dalku uu galo marxalad khatar ah oo dagaal sokeeye cagaha la galo, waana Ayaan darro in Shisheeye looga dambeeyo Danta Dadka iyo Dalka.

106930cookie-checkDalka Somalia Oo Cagaha La Galay Marxalad Khatar ah & Burbur Nidaamka Federaalka ah