Ma Dhabaa in Amniga & Isgaarsiinta Dalka ay tahay Halka Daawada toosinta u Baahan

Somalia news

Macluumaad ayaa tilmaamaya in Amniga & Isgaarsiinta Dalka ay tahay halka daawada u baahan, iyadoo Hogaanka Siyaasada iyo kuwa Ganacsiga ay ka gaabiyeen iney la yimaadaan Qorshe cad oo lagu xakameynaayo Amni darrada iyo Baada joogtada ah ee Kooxda argagixisada Shababka…

Xeeldheerayaasha arrimaha gudaha ayaa qaba in Amniga iyo Isgaarsiinta uu xiriir weyn ka dhaxeeyo, iyagoo farta ku fiiqay jiritaan la’aanta ID-yada Muwaadiniinta iyo diiwan gelinta la’aanta Lafta (Sim-cards), talefoonada ay u sahashay Kooxaha argagixisada iyo Tuugada Burcada iney si fudud u adeegsadaan.

Dhaca, Dilalka Qorsheysan iyo abaabulka weerarada waxey u bashan yihiin adeegsiga Isgaarsiinta gudaha kuwaasoo xiligaan ay gacanta ku hayaan Ganacsatada mana jirto sifo ay ku daba geli karaan Hey’adaha Amaanka cidda fududeysay Dembiyada abaabulan, iyadoo Shirkadaha Isgaarsiinta lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen iney Laamaha Amaanka la wadaagaan khataraha amni.

Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhawaan la dhisay ayaa hir taal howlo culus oo ay ugu horeeyso diiwaangelinta Dadweynaha qaadanaya Lafta Talefoonka si loo sugi karo amniga iyo iney joogto ah la yeeshaan Hey’adaha Amniga kuna war geliyaan khataraha amni si hor dhac ah, iyadoo shaqadaasi ay taagan qabtaan Hey’adaha Sirdoonada Reer galbeedka kuwaasoo dhageysta Taleefonada gudaha iyo dibeda.

233850cookie-checkMa Dhabaa in Amniga & Isgaarsiinta Dalka ay tahay Halka Daawada toosinta u Baahan