Howlgalada Guutada Danab Oo Hoos u dhac ku yimid

Somalia news

Ilaa iyo markii billawgii sanadkii la soo dhaafay, Oo ay Dalkaan ka baxeen Ciidamada Mareykanka ee taageerada Ciidan iyo mid dhaqaale u fidin jireen Guutada Danab ee la dagaallanka Kooxda Al Shabaab, ayaa waxaa hoos u dhacay howlgalladii ay fulin jireen, iyadoo sababo dhowr ah lagu fasiray..

Inkastoo Sanadkaan la filaayay in Shirkaddo USA & UK ka soo jeeda ay qandaraas ku qaateen Taageerida Ciidamada Danab ayaa waxaa soo shaac baxay iney ku milmay arrimaha Siyaasada Dalka, iyo u adeegida Koox gaar ah, iyagoo bishii September ee sanadkii 2021 ka qeyb qaatay, dagaalkii Guriceel ee u dhaxeeyey Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Ku milankooda siyaasadda Hogaanka Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa wuxuu horseeday, in Iminka uu hoos dhac ku yimaado howl-galladoodii, ka dhanka ahaa kooxda Argagixisada Shababka, kuwaasoo iminka ku xoogeysanayo koonfurta iyo Gobolada Dhexe ee Dalka, gaar ahaan Shabeelada hoose & Galguduud ee Somalia.

162810cookie-checkHowlgalada Guutada Danab Oo Hoos u dhac ku yimid